Sign in to follow this  
Deeq A.

Geelle: Jabuuti waxaa dawo u ah Somalia oo ka hana qaada halka ay maanta taal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho seddex ku jooga dalka Kenya ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sida Somalia looga qaadi lahaa halka ay iminka taagan tahay.

Ismaaciil Cumar Geelle, oo kulan khaasa qasriga Kenya kula qaatay dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Somalia ay xiligaani tagan tahay heerkii laga filaayay hase ahaatee uu muhiim u arko in la dhameystiro halaha u harsan.

Waxa uu Geelle tilmaamay in amniga iyo xasiloonida Somalia ay tahay mid raali galineysa dhammaan dalalka deriska la ah Somalia, oo uu sheegay inay halis ugu jiraan firxadka xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab.

Si looga badbaado halista al-Shabaabka firxadka ayuu sheegay inay muhiim tahay in Somalia loola shaqeeyo si daacad ah, iyadoo qorshaha muuqanaayana uu noqon doono badbaadinta Africa.

Madaxweyne Geelle waxa uu sidoo kale dhigiisa Uhurro u sheegay in xiligaan lagu jiro uu yahay mid ka halis badanxiliyadii hore, taa oo uu ula jeedo in adduunka ay kusii faafayaan Kooxaha xagjirka ah, sidaa aawgeed la doonaayo in la badbaadiyo qaarada Africa.

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle waxa uu hoosta ka xariiqay inay Jabuuti iyo Kenya ku yaallaan Gobal aad u rabshadaysan, loona baahan yahay inay labada dal xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sidii dalalka Gobalka loogu soo dabaali lahaa Nabad buuxda.

Madaxweyne Geelle waxa uu farta ku fiiqay in waxa ka dhacayo Somalia ay si degdeg ah u wada baab’in karaan Gobalka, xuxuuna xusay in Jabuuti sida Kenya oo kale ay ka daacad tahay sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad Buuxda.

Madaxweyne Geelle waxa uu sidoo kale cadeeyay in dowlada Jabuuti ay  dawo u aragto Somalia oo ka hana qaada halka ay maanta taal.

Haddalka Madaxweyne Geelle ayaa u muuqanaaya mid dhiirigalin u ah dowlada Somalia oo hadda ku howlan xal u helida dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this