Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo wada qorshe cusub oo guul weyn ay ku gaari karto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlad Federaalka ah ee Somalia ayaa bilowday qorsho lagu doonaayo in looga itaal roonaado maleeshiyaadka al-Shabaab ee ka dagaalanta G/Sh/Hoose.

Qorshaha dowlada gaar ahaan Taliska Difaaca dalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay mid suuragalinkara ciribtirka al-Shabaab.

Qorshaha ugu cad ee iminka miiska u saaran Taliska Difaaca ayaa ah in dhammaan ciidamada Xoogga la dajiyo Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Howdka ay ku dhex dhuumaaleystan Shabaabka.

Mid kamid ah Saraakiisha Taliska Difaaca ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada ugu badan ee Taliska dhufeysyo rasmi ah looga sameyn doono Howdka si dowladu ay ula wareegto gacan ku heynta Gobolka.

Waxa uu Sarkaalkan sheegay in qorshahaani uu yahay mid looga gol leeyahay gacan kusoo celinta Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna intaa raaciyay in mudada ay ka saldhiganayaan ciidamada la adeegsan doono Diyaarado dagaal.

Sidoo kale, waxa uu intaa raaciyay in qorshahaani uu yahay midka qura ee looga guuleysan karo maleeshiyaadka al-Shabaab.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhawaan dib u habeyn ku sameeyay Saraakiisha iyo ciidamada Xoogga dalka, waxaana xusid mudan in weli uu dagan yahay Xarunta Wasaarada Gaashandhiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this