Sign in to follow this  
Deeq A.

Xirnaashaha Dekedda Boosaso oo 7 Cisho kadib Laga heshiiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso[Puntland Post]-Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyey uu socday khilaaf udhexeeyey Hay’adda Tayo dhowrka ee Puntland (Quality Control) iyo Ganacsatada Puntland, kadib markii uu muran kadhashay lacag kordhin ay samaysay waaaxdu, Taasi oo ay Ganacsatadu ka soo horjeesteen.

Waxaana maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaarda Ganacsiga ee Puntland ee magaalada Boosaso Sido kalena ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada ee Puntland Cabdiqaadir Siciid caarshe Dhaqaaje, iyo Masuuliyiin Kale ayaa lagu soo Bandhigay is afgarad laga gaaray Arintaasi.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho Guran) Ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin Xalka laga gaaray Khilaafkii dhawaan ka dhashay Canshuur kordhintii ay sameysay Waaxda Tayo Baarista, wuxuuna Balanqaaday iney dhinacooda ka soo bixi doonaan Wixii lagu heshiiyay

Wasiirka ayaa ka hadlay Warshadaha biyaha ee Bosaso ka howlgala kuwaasi oo uu sheegay in labo kamid ah ay buuxiyeen shuruudihii, Saxda ahaa ee lagu Aqoonsanayay, Wuxuuna u mahadceliyay Shaqada ay Qabteen Waaxda Tayo Baarista ee Puntland, Isagoo ugu baaqay shirkadaha Kale ee aan shuruudaha soo buuxin in sida ugu dhakhsaha badan ay Oga jaawaabaan Baaqii Wasaaradda ee ahaa in la hubiyo Tayada Wax dadka reer Puntland laga iibinayo.

Hoos ka Daawo shirka Jara,id ee Wasiirka Ganacsiga Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso

The post Xirnaashaha Dekedda Boosaso oo 7 Cisho kadib Laga heshiiyay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this