Sign in to follow this  
Deeq A.

Dheeraad: Khasaaraha dhimasho ee ismiidaamintii maanta ka dhacday Wanlaweyn oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay ruux naftii halige ahaa oo weerarkaasi ku dilay ilaa 16 Ruux.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 ilaa 16 qof ku dilay ismiidaaminta, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.

Tirada dhimatay ayaa waxaa ku jira Naftii haligaha, waxaana suuragal ah in khasaaraha dhimasho uu sii kordho maadaama dadka dhaawaca ah ay ku jiraan garaab.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.

Cabdifataax ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu kamid ahaa maleeshiyaadka al-Shabaab, hase ahaatee ay wada baaritaano.

Docda kale, Xarumo ciidan oo ay leeyihiin AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa ku yaalla Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this