Sign in to follow this  
Deeq A.

Meeqo dilal ayey Daacishta Somalia ilaa hadda ka fulisay magaalada Xamar? (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa isa soo taraaya dilalka ay maleeshiyaadka Daacishta Somalia ka geysanayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Maleeshiyaadka oo xiligaani tartan kula jira Al-shabaab ayaa ilaa iyo hadda magaalada Muqdisho ka geysata dilalka 18 Ruux muddo ku dhow 3-bil.

Dilalka ugu badan ayaa ka kala dhacay Suuqa-Bakaaraha, Wada jir,Yaaqshiid, waxaana inta badan sheegtay al-Shabaab oo saaxafada u diidan Daacish.

Dilalka ay ilaa iyo hadda fuliyeen maleeshiyaadka ayaa waxaa kamid ahaa dilka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Cali Cilmi oo lagu dilay Yaaqshiid.

Dilalka ugu badan ayaa loo geystay Saraakiil ka tirsan dowlada Federaalka gaar ahaan NISA iyo Booliska, waxaana xusid mudan in dilkii ugu danbeeyay oo Daacish ay ka geysato magaalada Muqdisho uu ahaa mid muuqaal leh oo Sarkaal ka tirsan NISA (Dharcad) ah loogu geystay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta dawada.

Al-Shabaab ayaa dilalka ugu badan horay ka sheegta maadaama ay maleeshiyaadka Daacish yihiin kuwo weli a heysan itaal, isla markaana ay saaxada u diidan tahay al-Shabaab.

Dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid aan weli ku baraarugin in Somalia ay ku dhex sugan yihiin Xagjiriin ka tirsan Daacishta ay taariikhdooda sii dhaceyso, waana arrin mudan in lagu sii darsado xisaabta argagixisada.

Geesta kale, Al-shabaab qudheeda ayaa ugaarsi ku heysa Daacishta Somalia, waxaana xusid mudan inay  isku khilaafs yihiin awoodaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this