Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatay wefdi ka socday hay’adda UNFPA.

Recommended Posts

Deeq A.   
111.jpg?resize=640%2C307Madaxweyne Gaas iyo wefdiga UNFPA

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee caasimadda Garoowe ku qaabiley madax kasocotey hay’ada UNFPA.

Kulanka uu madaxweyne Gaas la yeesha madaxda ka socotay hay’adda UNFPA ayaa waxaa ku weheliyay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah  ee Puntland, Shire Xaaji Faarax iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Wefdigaan ka socday hay’adda UNFPA oo uu hogaaminayey agaasimaha gobolka UNFPA Mr. Luay Shabeneh ayaa waxaa la socday uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya Mr. Nikolai Botev iyo ku xigeenkiisa Walter Mandson-filho.

Madaxa wefdiga Hay’adda UNFPA Mr. Luay Shabeneh oo uga mahad celiyey madaxweynahad dowladda Punland fursada uu maanta u siiyey inay kula kulmaan xafiiskiisa ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulanka kaga warbixyey waxqabadka hay’adda ee guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Puntland, isago sheegay in horumar weyn ay ka gaadheen ka hortaga tacadiyada haweenka, isla’marhaantaana meel wanaagsan uu marayo barnaamijka wacyigelinta ka hortaga gudniinka fircooniga ah iyo faldenbiyeedka kufsiga haweenka.

Dhinaca kale Mr. Luay Shabeneh ayaa ku amaanay dowladda Puntland ka hortaga iyo la-dagaallanka tacadiga loo gaysto haweenka, isagoona sheegay in marka loo eego Soomaaliya in Puntland ay tahay meel xasiloon oo ay yar yihiin denbiyaha ka dhaca ee lagula kaco haweenka.

Madaxweynaha dowladda,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wefdiga kusoo dhoweeyay qasriga madaxtooyada Puntland ee caasiamdda Garoowe ayaa waxaa uu uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen sidoo kalena ku bogaadiyey hay’adda UNFPA shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan hawlaha baaxada leh ay ka fuliyeen Puntland.

Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay  in hada uu yaryahay tacadiga haweenka lugula kaco, taasna ay muujinayso sida Hay’addaha dowladda Puntland uga hawl galeen amuurtaasi, sidoo kalena  sheegay inay lama huraan tahay in laga gudbo caadooyinkii hore ee waxyeelada u gaysan jiray caafimaadka hooyada iyo dhalaankaba.

Halkaan hoose ka eeg sawirrada.

111.jpg?resize=640%2C307 112.jpg?resize=640%2C378 113.jpg?resize=640%2C427 114.jpg?resize=568%2C480

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatay wefdi ka socday hay’adda UNFPA. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this