Deeq A. Posted May 9, 2018 Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa deegaanka Buurgaabo oo ka tirsan Jubbada hoose una jirta xadka Kenya iyo Soomaaliya 55 Km laga rarayaa Markab dhuxul ah oo qaada 17,000 oo jawaan, wuxuuna ku wajahan yahay magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta. Arrintan waxay imaanaysaa kadib markii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu safar uu ugu maqnaa UAE kasoo laabtay,iyadoo shaki abuuraysa in Imaaraatku Axmed Madoobe kula soo heshiiyeen ka ganacsiga dhuxusha. Shirkadda loo rarayo dhuxusha waxaa iska leh niman ganacsato ah oo Axmed Madoobe gacan saar laleh, waxayna joogaan magaalada Dubai, waxaa lagu kala magacaabaa ganacsade Cabdinaasir Cali Addoon iyo ganacsade Bashiir Dheere, waxaana wakiil uga ah magaalada Kismaayo iyo deegaannada Jubaland dhuxul rarista ganacsade Maxamed Cabdullaahi. Waxaa asbuucii hore ka dhacay muqdisho shir caalami ah oo looga hadlayey dhibaatada xaalufinta deegaanka iyo ka ganacsiga dhuxusha oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada midoobay go’aan kasoo saareen in ay tahay denbi ka ganacsiga dhuxusha. Sanadkii 2017-kii waxaa Qaramada Midoobay kasoo saartay warbixin dheer oo ka hadlaysay meelaha ay Alshabaab ka helaan maalgelinta ay ugu horreyso ka ganacsiga dhuxusha, waxay warbixintu digniin u jeedisay UAE oo si toosa u iibsata dhuxusha laga raro deegaannada Alshabaab maamulaan. Share this post Link to post Share on other sites