Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: DF oo sanad kasta laga xado 24 milyan oo dollar (Warbixin xasaasi ah)

Recommended Posts

Deeq A.   

Lacago malaayiin dollar ayaa dawladda Soomaaliya uga lunta shirkadaha qandaraaska ka haysta Qaramada Midoobay oo baal mara heshiis ay dawladdu la gashay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxay qiratay in qaar ka mid ah agabka loo keeno ee canshuur dhaafka ah ay galaan suuqa madaw, hase yeeshee waxay ku tilmaantay in falalkaasi ay yihiin kuwo dambiyeed, dawladdana ay ku garab taagan yihiin bixinta canshuurta.

Sannadkii 2015-kii, Qaramada Midoobay waxay shaqada ka joojisay shirkad ku xadgudubtay heshiiska canshuur-dhaafka u samaynaya adeegyada iyo agabka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale waxaa kale oo malaayiin kale ay uga lumaan shirkado kale oo gaar loo leeyahay oo waddanka jooga oo aan bixin wax canshuur ah.

Waa mowduuca barnamaijka Galka Baarista ee idaacadda VOA, waxaa inoo haya Haaruun Macruuf.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/1a64b4ee-842d-420a-b56e-102c9c556d25_32k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this