Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhurro oo Abiye Axmed uga digay in Somalia uu u cabiidiyo Dowlada Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa khasriga dalka Kenya ku qaabilay Ra’isal wasaaraha Ethiopia Abiye Axmed.

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Arrimaha Somalia iyo Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia.

Uhurro Kenyatta ayaa Mr Abiye Axmed u sheegay in la doonaayo muujinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista wada shaqeynta waxa uuna ku taliyay inaan laga dhex shaqeyn labada dal.

Kenyatta ayaa Abiye Axmed u sheegay in mowqifka Kenya uu yahay in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan gudaha iyo daafaha Somalia, maadaama ay weli jiraan weeraro ay qaadayaan al-Shabaab.

Waxa uu Kenyatta tilmaamay in ciidamada Kenya ay kasii howlgali doonaan Somalia, inta xal waara looga helaayo dhaqdhaqaaqa al-shabaab.

Kenyatta iyo Abiye Axmed, ayaa isla soo hadalqaaday Khilaafka ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka waxa uuna si xoogan u difaacay go’aanka ay Somalia ka qaadatay faragalinta Imaaraadk.

Imaaraadka ayuu sheegay inuu ka talaabay xeendaabkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed ay talaabadaasi ku taageerayaan Somalia.

Abiye Axmed, ayuu uga digay faragalin ay dowladiisa ku sameyso arrimaha Somalia, maadaama ay Somalia cagta saareyso wadadii burburka.

Abiye Axmed, ayuu sidoo kale ugu baaqay inaanu dhex dhexaad ka noqon arrimaha Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna u cadeeyay in Somalia lagu xadgudbay Qaranimadeeda.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiye Axmed ayaa Kenyatta u ballanqaaday inuu dhinac ka noqon doona arrimaha Somalia si ay Somalia ugu filnaato arrimaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, Kenyatta iyo Abiye Axmed ayaa mowqif ahaan isku raacay in Somalia aan la faragalin, isla markaana loo qasbin dowladaha Carbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this