Deeq A. Posted May 8, 2018 Shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garoowe masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland iyo Saraakiil ka socota Hay,adda Islamic Relief waxay ku dhawaaqeen taakulo bisha ramadaan la siin jirey 1800 (Kun iyo Sideed boqol ) oo qoys in sanadkaan loo wareejiyay shacabka Baladweyn oo ay soo wajahday musiibo xoog leh oo ka dhalatey fatahaada biyaha wabiga Shabelle. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay gurmadkaan inuu ka dhigan yahay horumarin islamarkaana ay weli ka socoto gudaha Puntland taakulo balaaran oo shacabka iyo dowladdu ay ugu talagaleen caawinta dadka ku nool magaalada Baladweyne. Wasiir Xabiib ayaa sheegay in dowladda Puntland bixisay taakulo loogu talagalay dadka reer Baladweyn, wuxuuna sheegay inay ka damqanayaan dhibaatada taala Gobolka Hiiraan gaar ahaan Baladweyn. Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirka jaraa,iid saraakiil ka socota hay,adda Islamic Relief oo sheegay ka dib wada hadal dhexmarey masuuliyiinta wasaaradda cadaaladda Puntland iyo masuuliyiinta hay,adda inay isla garteen u wareejinta shacabka Baladweyn deeqdii bisha ramadaan la siin jirey 1800 oo qoys oo ku nool gudaha Puntland . Isku soo wada duub gudaha deegaanadda Puntland sida goobaha cibaadada (masaajida) iyo meelaha dadku ay ku kulmaan waxaa ka socda olole taakulo oo la doonayo in loogu gurmado dhibaatada uu sababay fatahaada biyaha wabiga shabelle ee ka jidha magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST. The post Puntland oo u wareejisay Baladweyn taakulo la bixin jiray bisha Ramadaan appeared first on Puntland Post. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted May 8, 2018 Excellent. Great example of what can be done when one is organized. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted May 9, 2018 I remember there was a thread here about kililka building dams and Ethiopia plan of building hydro dams. Most posting was negative as usual whenever Ethiopia is mentioned. One reason Sudan staunchly supports GERD is because of floods and destruction to people, property and development projects. Somalia can benefit greatly by dams in kililka from electricity but most importantly regulated year round flow of rivers. I had no idea that about 700,000 over all and about 250,000 from severe to dangerously have been affected by these floods. Quote Share this post Link to post Share on other sites