Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Lammaanahan oo lagu kala Magacaabo  Yaasiin Cabdille Xuseen (Abu Sumeiya ) oo 42 jir ah iyo Xaaskiisa, Fartuun Maxamed Guuleed, oo 41 jir ah, ayaa waxaa laga soo qabtay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi.

Labadan Qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay gacan saar la leeyihiin Cabdi weli Maxamed Guuleed, oo loogu yeero ( Abdiweli Kamaure) oo ah Maskaxdii ka dambaysay weerarkii kal hore ka dhacay Mandheera Kenya.

C/wali Maxamed Guuleed ( Abdiweli Kamaure) oo ah Fartuun Walaalkeed ayaa la rumaysan yahay inuu soo maleegay weerarkii Novembar 2014-kii lagu qaaday Bas marayay nawaaxiga Mandheera, kaasoo lagu laayay Dad u badnaa Kiristan.

mandera.jpg?resize=696%2C494&ssl=1

Yaasiin Cabdille Xuseen , oo ah ganacsade ka shaqeeya howlaha qandaraasyada ayaa la sheegay inuu dhaqaala badan ku bixiyo dhaq-dhaqaaqyada Hubeysan ee ay Al-Shabaab ka fuliyaan qaybo kal mid ah Kenya iyo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this