Deeq A. Posted May 8, 2018 Muqdisho (Caasimadda Online) – Lammaanahan oo lagu kala Magacaabo Yaasiin Cabdille Xuseen (Abu Sumeiya ) oo 42 jir ah iyo Xaaskiisa, Fartuun Maxamed Guuleed, oo 41 jir ah, ayaa waxaa laga soo qabtay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi. Labadan Qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay gacan saar la leeyihiin Cabdi weli Maxamed Guuleed, oo loogu yeero ( Abdiweli Kamaure) oo ah Maskaxdii ka dambaysay weerarkii kal hore ka dhacay Mandheera Kenya. C/wali Maxamed Guuleed ( Abdiweli Kamaure) oo ah Fartuun Walaalkeed ayaa la rumaysan yahay inuu soo maleegay weerarkii Novembar 2014-kii lagu qaaday Bas marayay nawaaxiga Mandheera, kaasoo lagu laayay Dad u badnaa Kiristan. Yaasiin Cabdille Xuseen , oo ah ganacsade ka shaqeeya howlaha qandaraasyada ayaa la sheegay inuu dhaqaala badan ku bixiyo dhaq-dhaqaaqyada Hubeysan ee ay Al-Shabaab ka fuliyaan qaybo kal mid ah Kenya iyo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites