Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Rw Kheyre kala hadlay Madaxa Golaha Amaanka u qaabilsan Cuna-qabataynta Hubka saran Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya.

Kheyre ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda.

Kheyre-1-1-640x427.jpg?resize=640%2C427 Kheyre-2-1-640x427.jpg?resize=640%2C427 Kheyre-3-1-640x427.jpg?resize=640%2C427 Kheyre-4-1-640x427.jpg?resize=640%2C427 Kheyre-5-1-640x427.jpg?resize=640%2C427

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this