Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya dagaalka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Ra`iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abi Ahmed oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka ayaa madaxweynaha dalka Kenya kala hadlay arimo ku aadan dalkeena Soomaaliya.

Waxyaabaha ey isla soo qaadeen labada hogaamiye waxaa ugu waaweynaa xaaladda Ciidamda Midawga Afrika ee AMISOM ey ku shaqeeyaan, Khatarta Alshabaab ee Gobolka, Iyo Khilaafka ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

War murtiyeed si wadajira ay usoo saareen Abi Axmed Iyo Uhuru Kenyaatta ayaa waxaa ay ku sheegeen in Khatarka Alshabaab ee gobolka aan la dhayal-sankarin loona baahanyahay in labada dowladood ay iska kaashadaan iska caabinta xaaladaasi adag.

Waxa ay qireen awoodda Alshabaab ee Gobolka iyaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan ey muhiimtahay in il gooni ah ay ku eegaan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Dhanka kale war mutiyeedkan waxaa looga hadlay AMISOM waxayna isla garteen labada hogaamiye sida lagu sheegay bayaaanka in lasii xoojiyo taageerada Ciidamda AMISOM.

Labada hoggaamiyeba waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Alshabaab ay weli halis weyn ku tahay Soomaaliya iyo gobolkaba.Sidaasi awgeed, waxa ay walaac ka muujiyeen taageerada cagajiidka ah ee caalamku Soomaaliya siiyo, gaar ahaan maalgelinta caatada ah ee aan la sadaalin karin ee Amisom hesho, taasi oo khatar ku ah guulaha ilaa hadda la gaarey.

Sidaasi darteed, labada hoggaamiye waxa ka go’an inay sii wadaan u ololeynta in Amisom hesho taageero ku filan oo joogto ah, taasi oo ay kamid tahay in hawlgalka la siiyo hub awooddooda sare u qaada, iyo weliba tabbabarka ciidamada amniga Soomaaliya. Hoggaamiyayaashu waxa ay walaac ka muujiyeen saamaynta danaha dibadeed ee damacsan sii curyaaminta Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this