Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxa Golaha Amniga ee Cunna-qabateynta Hubka Soomaaliya oo la Kulmay R/W Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi-ka-socda-UN-ka-1.jpg?resize=832%2CMuqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa kula kulmay maanta xafiiskiisa Wafdi balaaran oo ka socday Gollaha Amaanka ee Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya.

Wafdi-ka-socda-UN-ka-2.jpg?resize=832%2C

Ugu dambayn, RW Khayre ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Somalia iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda.

PUNTLAND POST

The post Madaxa Golaha Amniga ee Cunna-qabateynta Hubka Soomaaliya oo la Kulmay R/W Khayre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this