Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhurro oo ka qeyla dhaamiyay fal uu sheegay inuu aad u fool xumaa oo loo geystay ciidankiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Uhurro Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xasuuq loo geystay ciidamo ka tirsan dalkiisa.

Kenyatta ayaa sheegay in Qaraxii lagu laayay ciidamadiisa ee ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubabdda Hoose uu aha mid ay al-Shabaab ku niyad jabisay ciidanka.

‘’Waxa uu ahaa fal xanuun iyo niyad jab u geystay ciidamadeena, waayo waxaa lagu waayay naf’’

Kenyatta ayaa sheegay in uu Murugadda la qeybsanaayo qoysaska Askartii ku dhimatay Dhoobley, islamarkaana ay ka go’an tahay in ay sii waddaan howlgalkooda Somalia.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan ay ku sugan yihiin degaanada maamulka Jubbaland.

Weerarkaan oo ahaa Qarax ayaa waxaa lagu dilay 7 Askari oo xiligaa ku howlaneed howlgal, halka ay maleeshiyaadka al-Shabaabna sheegteen inay ku dileen ku dhawaad 15 askari.

Docda kale, Kenyatta ayaa ku goodiyay inay jawaab celin ka sameyn doonaan falka lagu laayay ciidamadiisa, waxa uuna dusha u saaray al-Shabaab, oo markeedii horaba sheegatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this