Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo 2 arrin halis ah uga digay ciidamada sugaya ammaanka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo booqday ciidamada Xasilinta ee xaqiijin doona amniga magaalada Muqdisho Bisha Ramadaan ayaa sheegay in qorshaha laga leeyahay abaabulkooda uu yahay inay casharo u dhigaan kuwa nabadiidka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ciidamada u sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ku taamayaan inay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed inta ka harsan sidaa aawgeed laga doonaayo inay dhabar jabiyaan maleeshiyaadkaas.

Waxa uu sheegay in Askari waliba laga doonaayo in maskaxdiisa uu ku xiro mas’uuliyada ka saaran ciidanka iyo sida ay u fashilin lahaayen halista al-Shabaab.

‘’Waa inaad ogsoonaatan sababta uu Qaranka idiin dugaashanaayo waa inaad noqotaan kuwa amniga iyo xasiloonida gaarsiin lahaa dalka, si carruurtiina ay ugu noolaadan amni iyo dowladnimo buuxda’’

‘’Shabaabku waxa uu doonayaa inuu indhaha rido Qaranka iyo jiritaankeena waa inaan dhexda u xiranaa sida aan uga ceshan laheyn dalkeena’’

Kheyre oo siyaabo kala duwan ula sheekeystay Askarta ayaa waxa uu uga digay 2 arrin oo kala ah:-

1-Inay ku kacaan falal lid ku ah xasiloonida dalka iyo in shacabka ay u isticmaalan wajiyo kale.

2-Inay dayacaan mas’uuliyada ka saaran amniga, iyadoo Askarigii ka leexda sharciyada loo jideeyay uu dusha saran doono wixii kaga imaada arrintaas.

Kheyre waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay dhex taagnaan doonaan goob waliba oo ay ku sugan yihiin ciidamada Qaranka, waxa uuna ballanqaday inay ku booqan doonaan dhammaan difaacyada la geeyo.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili ay dowlada Somalia diyaarisay ciidamo dhan 1,800 oo sugi doona amniga guud ee caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this