Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland starts to export vegetables and other produce to Southern Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Beeraleeyda khudaarta ee degaannada Puntland ayaa bilowday in ay khudaar badan u iib-geeyan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,kadib markii fatahaad xooggan oo ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle ay dhalisay in beerihii khudaartu ka soo go’ijirtay ee goboladaas gebi ahaanba daad qaado.

Beeraleeyda khudaarta ee Puntland ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay khudaar badan u iib-geeyeen magaalooyin ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka jirtay khudaar la’aan baahsan,kadib markii webiyada Jubba iyo Shabeelle ay ku fataheen dhul-beereedyo ballaaran oo khudaartu ka bixi jirtay,kuwasoo ku yaalla gobollo uu kamid yahay Hiiraan.

Khudaarta la iib-geeyay ayaa u badan;yaanyada,mooska,kaarootada,cambaha,qaraha iyo liinta,waxaana ganacsatada Puntland sheegayaan in halkaas uu ka furmay suuq cusub oo dhinaca khudaarta ah,iyadoo haatan lagu jiro xilli roobaadka gu’ga oo beeruhu si weyn u mireeyaan.

Khudaarta la iib-geeyay ayaa inta badan ka soo go’day beero ku yaalla gobolada,Nugaal,Bari,Sanaag iyo Hayland oo kamid ah meelaha degaannada ku wanaagsan beerashada khudaarta noocyadeeda kala duwan.

halkaan ka eeg sawirada.

four.jpg?resize=640%2C360 one.jpg?resize=640%2C360 three.jpg?resize=640%2C360 two.jpg?resize=640%2C360

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this