Deeq A. Posted May 7, 2018 Beeraleeyda khudaarta ee degaannada Puntland ayaa bilowday in ay khudaar badan u iib-geeyan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,kadib markii fatahaad xooggan oo ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle ay dhalisay in beerihii khudaartu ka soo go’ijirtay ee goboladaas gebi ahaanba daad qaado. Beeraleeyda khudaarta ee Puntland ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay khudaar badan u iib-geeyeen magaalooyin ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka jirtay khudaar la’aan baahsan,kadib markii webiyada Jubba iyo Shabeelle ay ku fataheen dhul-beereedyo ballaaran oo khudaartu ka bixi jirtay,kuwasoo ku yaalla gobollo uu kamid yahay Hiiraan. Khudaarta la iib-geeyay ayaa u badan;yaanyada,mooska,kaarootada,cambaha,qaraha iyo liinta,waxaana ganacsatada Puntland sheegayaan in halkaas uu ka furmay suuq cusub oo dhinaca khudaarta ah,iyadoo haatan lagu jiro xilli roobaadka gu’ga oo beeruhu si weyn u mireeyaan. Khudaarta la iib-geeyay ayaa inta badan ka soo go’day beero ku yaalla gobolada,Nugaal,Bari,Sanaag iyo Hayland oo kamid ah meelaha degaannada ku wanaagsan beerashada khudaarta noocyadeeda kala duwan. halkaan ka eeg sawirada. PUNTLAND POST Quote Share this post Link to post Share on other sites