Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan 7 Askari oo Kenyaan ah oo lagu dilay Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (Caasimadda Online) – Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose oo u dhow xuduuda Kenya.

Kolonyo ciidamada Kenya la socdeen ayaa waxaa lala helay qarax xooggan, kaasoo dhaliyay khasaare aad u ballaaran uu ka soo gaaray.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in gaariga ay la kacday Miinada ay saarnaayeen Kolonyo ciidamo ah, kuwaasi oo sameynayey  Roondo, waxaana burburay gaarigii ay saarnaayeen ciidamada.

Ma’uuliyiin ka tirsan ciidamada Millatariga Soomaaliya oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in ay arkeen meydadka 7 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya iyo dhaawaca labo kale,kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay qeyb ka mid ah baabuurka,arrintaasi oo soo dadjisay dhimashada ciidamada.

Goob joogayaasha  ayaa sheegay in qaraxa miinada uu dhaliyey qasaaro  badan qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa sidoo kale ay waxyeello ka soo gaartay labo baabuur oo kale, isaga oo tilmaamay in tirada dhimashada ay dhaafeyso 10 qof, halka tiro kale oo dad ahna ay soo gaaareen dhaawacyo.

Kolonyada ciidamada Kenaya ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna u socdeen saldhig millatari oo ku yaallo magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay isla goobtaan ka dib markii lala beegsaday qarax miino oo burburiyey gaarigii ay saarnaayeen.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, waxaana ay ka howl galaan Gobolda Jubooyinka iyo Gedo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa miino, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 15 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this