Deeq A. Posted May 7, 2018 Abwaanad Niciimo Qorone oo Dhowaanahaan ku xirneyd magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo goordhoweyd dib xoriyadeedii u heshay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u fidiyay Cafis sii deeyn Xabsiga Magaalada Hargeysa. Niciimo Qorone ayaa xabsi sadex sano ah lagu xukumay kadib markii eedeeymo kala duwan ay u jeedisay Maxkamadda Hargeysa. Aabaha dhalay Niciimo Qorone ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Bixii isaga oo kala hadlay in Gabadhiisa la sii daayo. Somaliland ayaa waxaa ka jira Caburin dhanka afgaarta ah oo lagu eedeeynayo maamulkaasi. Waxaa Xabsiga Hargeysa ku xiran Boqor Buurmadoow oo Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay 3 sano oo xarig ah kadib markii oo uu magaalada Carmo ee Puntland kaga qaybgalay caleemasaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Niciimo Qorone oo Xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites