Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo Markii ugu horeeysay Shir Gudoominaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir gudoominaya kulankiisii ugu horeeyay ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa mid kamid ah kulamadoodii caadiga ah ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa Ajande ku saabsan qaabka loo aas aasay Midowga Afrika oo Soomaaliya ay qeeyb ka tahay.

Ajandahaasi waxaa kal hore loo gudbiyay Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya islamarkaasina ay ansixiyeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalo ajandayaal kala duwan oo ay soo gudbisay xukuumada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo Markii ugu horeeysay Shir Gudoominaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this