Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulmaaya & Mursal oo shir gudoomin doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ku kulmaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Kulankaan oo xiisa gaara leh ayaa markii ugu horeysay waxaa shir guddoomin doona Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan la doortay.

Kulanka ayaa ka dhici doona Xarunta Golaha Shacabka waxaana dhammaan xaadiri doona Xildhibaanada baarlamaanka.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Xeerkan ayaa shalay waxaa ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana laga sugayaa in maanta uu maro Xildhibaanada.

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyay amniga Xarunta waxaana xiran dhammaan waddooyinka hareer mara Xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this