Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo go’aanno ka soo saaray arrimaha Xajka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga joogtada ah ee Golaha  Wakiilada dowladda Puntland, ayaa maanta fadhigooda todobaad laha warbixin kaga dhegaystay,Wasiirka Caddaaladda,Awqaafta,Arrimaha Diinta,iyo Dhaqan-celinta xukuumada Puntland,Saalax Xabiib Jaamac.

Warbixinta ayaa ku saabsaneyd cabashooyin xiriir ah oo dadweynuhu ay ka muujiyeen lacagaha faraha badan ee ay bulshada ka qaadan qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka,waxaana Wasiirku sheegay in shacabka ay dhibaato baahsan ka haysato qiimaha saa’idka ah ee laga qaado xilliyada ay u socdaan Xajka iyo Cumrada.

Guddiga ayaa kadib markii ay dhegaysteen warbixinta Wasiirka,waxay dood dheer ka yeesheen cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha ee ku aaddan lacagaha laga qaado Xujeeyda Soomaaliyeed iyo adeeg-xumida qaar kamid ah shirkadaha lacagaha saa’idka ah ka macaasha,muslilmiinta u hammuun qaba, in ay soo gutaan ruknigaan Diiniga ah ee Alle ku addoonsaday.

Guddiga joogtada ah ee Golaha  Wakiilada dowladda Puntland ayaa dooddaasi kadib dhaleecayn culus u jeediyay dowladda FederaalkaSoomaaliya, oo ay ku eedeeyeen in ay shirkado gaar ah ku wareejisay mas’uuliyaddii ka saarneyd arrimaha Xajkaa,islamarkaana aysan dheg-jalaq u siin cabashooyinka joogtada ah ee Xujeeyda Soomaaliyeed ka muujinayaan shirkadaha dhiig-miiratada ah ee afka u dhigtay dhaqaalihii umadda.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrima Xajka ee lacagaha xad-dhaafka ah ka qaada Xujeeyda aysan adeeg-hufan u qaban bulshada,balse ay dayac iyo rafaad ugu beddelaan dhaqaalihii ay ku bixiyeen in loogu adeego,taasina ay keentay in dad badan oo gudan-lahaa waajibaadka Xajka ay awoodi waayeen,sida guddigu xusay.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Baarlamanka dowladda Puntland ayaa ugu dambeyntii baaq u diray, madaxweynaha Soomaaliya,Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisa oo ay ka dalbadeen in gacanta dowladda lagu soo celiyo maamulka arrimaha Xajka ee dalka,si shacab weynaha Soomaaliyeed looga dulqaaqo dhibaatada ay ku hayaan shirkadaha gaarka ah ee lacagaha faraha badan ka qaada Xujeeyda Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo qodobada uu guddigu soo saaray.

PUNTLAND POST

The post Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo go’aanno ka soo saaray arrimaha Xajka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this