Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Somalia oo Dhaqaale dheeraad ah ku bixineysa Gurmadka Fatahaadaha Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gurmadka_Fatahaadaha_Somalia.jpg?resize=Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, isla markaana ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay yeesheen guddigu oo looga hadlayay howlaha gurmadka meesha ay marayaan, sida loo sii dardar gelin karo iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ugu horreyn xubna kamid ah guddiga oo khamiistii tegay magaalada Beledweyne oo kamid ah deegaanada fatahaaduhu saameeyeen, ayaa waxa ay kawar bixiyeen xaaladda deegaanka ka jirta iyo gargaarka la gaarsiiyay.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in $100,000 oo maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyay la gaarsiiyay Beledweyne laguna wareejiyay madaxweynaha Hir-shabeelle si ay qeyb uga noqoto gargaarka lagu tabarucayo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in safiirada Qadar iyo Turkiga ee Soomaaliya oo khamiistii tegay Beledweyne ay raashin gargaar ah u qeybiyeen 5,000 oo qoys.

Waxaa kaloo, Warbixin laga dhageestay guddi hoosaadka Xog-raadinta kuwaas oo sheegay in ay jiraan deegaanno hor leh oo daadadku ay saameeyeen oo ay ugu daranyihiin deegaanno ka tirsan Jubaland.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isla gartay in lasii laba jibbaaro dadaallada loogu gurmanayo qoysaska Soomaaliyeed ee daadadku ku dhibaateeyeen qeybo badan oo kamid ah dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in horay Milyan Doolar horay dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.

“Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia.

Ugu dambeyn, Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Somalia oo Dhaqaale dheeraad ah ku bixineysa Gurmadka Fatahaadaha Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this