Deeq A. Posted May 5, 2018 Magaalada Muqdisho waxaa galinkii dambe ee maanta ka dhacay fal aad looga argagaxay oo ay ka naxeen dadka Magaalada Muqdisho. Falkan ayaa ah kadib markii nin hubeysan uu qosykiisa ku laayay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Ninka ayaa dilay 4 Kamid ah qoyskiisa oo kale ahaa 2 Wiil oo ay ilmo adeer ahaayeen Gabar la dhalatay iyo xaaskiisii ugu dambeeyntiina isaga ayaa is dilay. Ninkan falkaasi sameeyay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cadnaan, dadka uu laayayna waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaawo Maxamuud Cadnaan oo ah walaashiis iyo Cabdullaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuuryare iyo Allaha u naxariisto xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali Kowshe ugu dambeeyntiina isaga ayaa istoogtay. Ninkaasi ayaa rasaas ku furay qosykiisa lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in uu khaarijiyo qoyskiisa. Madax ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray guriga ay musiibadaan ka dhacday iyaga oo wada baaritaano arintaasi la xariirta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Nin Hubeysan oo qoyskiisa ku laayay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites