Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mareykanka oo garoonka Balidoogle ka dhigtay saldhig weyn oo milateri

Recommended Posts

Deeq A.   

Mogadishu (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa sii ballaarinaya howgalladooda Soomaaliya, iyadoo Ballidoogle ka dhistay Saldhiggooda seddaxaad ee ugu weyn ee ay ku leeyihiin Africa, kaasoo ay jiifan karaan 800 boqol oo askari, sida laga soo xigtay shabakadda looga dambeeyo xogaha qarsoon ee VICE News.

Dhisamahaan ayaa wuxuu yahay mid qarsooni ah, waxaana tusaale wanaagsan uu u yahay qaabka soo koraya ee muranka leh ee uu Mareykanku isugu diyaarinayo dagaallada Africa.

Saldhigga Ballidoogle wuxuu ka mid yahay mashaariic tusaale u ah qaabka uu Malliteriga Mareykanku horumarka uga sameynayo dagaallada Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu ugu yaraan lix saldhig oo cusub ka dhisan doono Soomaaliya sannadkaan 2018ka, sida ay VICE News u sheegeen Shirkadaha qandaraaska ka qaatay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka.

Dhismaha Saldhiggaan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay Millateriga Mareykanka uga go’an tahay dagaallada ay kaga soo horjeedaan Ururka al-Shabaab ee xiriirka la leh al Qaida.

Waaxda U.S. Africa Command (AFRICOM) ayaa waxay haatan 500 oo askari ku leeyihiin Millateriga Mareykanka ee ka shaqeeya Soomaaliya, sida laga soo xigtay gabar afhayeen ah oo u hadashay. Waana tiro si aan caadi aheyn sarre ugu kacday tan iyo 2016kii, markaasoo AFRICOM ay 50 sarkaal ku lahaayeen howgalkaan.

Tan iyo bishii Jannaayo 2017kii, Xooggaga Mareykanka ayaa ugu yaraan 48 weerar oo cirka ah ka geystay Soomaaliya, marka loo barbardhigo 2016kii oo ay 14 weerer ka geysteen iyo 2015kii oo ay 11 weerar ka geysteen, sida laga soo xigtay Xarunta Bureau of Investigative Journalism, oo fadhigeedu yahay London.

Mareykanka ayaa haatan Saldhiggooda Seddaxaad ee ugu weyn Africa ka sameystay Soomaliya, marka xisaabta laga reebo Saldhigyadooda Djibouti iyo Niger.

balidoogle2.jpg?resize=694%2C466&ssl=1 balidoogle.jpg?resize=692%2C472&ssl=1

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this