Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo dib u dhis ku wada Saldhigii Ciidankii Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle

Recommended Posts

Deeq A.   

USmilitaryBase.jpg?resize=828%2C465
Muqdisho (PP) ─
Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay saldhigga ciidankii cirka Somalia ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Warbixin uu daabacay Wargeyska Vice News ayaa lagu xusay in Mareykanka uu garoonka Balli-doogle dayactir iyo dib-u-habeyn lagu sameeyay si ay diyaaradaha dagaalka ay Weerar dhanka cirka ah uga qaadaan.

Sidoo kale, Warbixinta Wareyska ayaa lagu xusay in dowladda Mareykanka ay ballaarisay dhismaha garoonka ciidanka Balli-doogle, iyadoo laga dhigayo saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax-yaalla saldhigga waxaa lagu diyaariyay in ka badan 800 oo sariirood, in ka badan 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana filayaa in sariirahaas ay jiiftaan askar iyo saraakiil Mareykan ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Bali-idoogle uga dhigay saldhiga seddexaad ee ugu weyn ee Qaaradda Afrika ay ku leeyihiin marka laga reebo saldhigyadiisa ku yaalla Jabuuti iyo Niger.

Sidoo kale, Dhismaha saldhigga Balli-doogle ayaa wuxuu socday illaa 2017kii isagoo ahaa mid Qarsoodi ah. Askari ka mid ah Soomaalida joogta Garoonka Balli-doogle ayaa u sheegay wargeyska Vice News in maalin walba ay halkaa ka duulaan kuna dagaan diyaarado dagaal, kuwaasoo dowladda Mareykanka ay leedahay.

Xukuumadda Washington ayaa horay u sheegtay in ciidammo gaaray 500 ay joogaan Somalia, kuwaasoo meelaha qaar kula dirira Ururka Al-shabaab, ayna si wadayaan dagaalkaas ka dhanka ah kooxdan Al-qaacida ku xiran.

Dhanka kale, Ballaarinta Garoonka Balli-doogle ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Maraykanka ay dhibaato ku qabaan Saldhigyo uu Shiinuu ku leedahay waddanka Jabuuti. Iyadoo sheegtay in ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti ay dhaawacyo indhaha ka gaarsiiyeen duuliyeyaashooda ku sugan Jabuuti, iyagoo adeegsanaya laysar, inksatoo uu shiinuhu beeniyay eedeyntaas.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Mareyanka uu ku dhawaaqay inuu kordhinayo weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fuliyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo dib u dhis ku wada Saldhigii Ciidankii Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this