Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska AMISOM oo walaac ka muujisay Sida Tababarrada loo siiyo Ciidamada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Brig-Paul-Lokech.jpg?resize=829%2C483Muqdisho (PP) ─ Sida uu daabacay wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda, saraakiisha AMISOM ayaa isku khilaafsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee dhigaya in ciidamada AMISOM ay Somalia ka baxaan Sannadka 2021-ka, Murankan oo ku saleysan diyaarinta Ciidanka Dowladda Somalia si ay ula wareegayaan mas’uuliyadda guud ee Amniga dalka.

AMISOM ayaa bilowday in ay ciidamadeeda ku sugan Somalia annadkii aan soo dhaafnay ee 2017-ka, iyadoo tirada ciidamada Midowga Afrika ee hadda ku sgan Somalia ay tahay 21,000 oo askair, halka markii hore ay ka ahayd 22,000 oo askari.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Richard Omwega ayaa sheegay in dal walba oo ka tirsan dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM uu ciidamadiisa ka dhimayo qiyaastii 250-Askari.

“Toban sano oo aan Somalia ka hawl-galaynay kaddib, Qaramada Midoobay waxay doonaysaa inay xoojiso ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, balse mar-xaladda kala guurka ah waa mid ku saleysan shuruud, marka la gaaro xilliga aan baxayno waa inuu jiro waddan xasilloon amni ahaan,” ayuu yiri Col. Omwega.

Sidoo kale, Waxaa bisha Oktoobar ee sannadkan ka bixi doona Somalia illaa 1,000 askari oo kale oo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo ka imanaya ciidamada furimaha jooga, kuwaasoo ka koobnaan doona dhammaan waddamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM.

Ciidamada ka socda Midowga Afrika ayaa waxay ka socdaan dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Uganda, waxayna dowaldda Federaalka ah ee Somalia ka caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab.

Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka dhex-taagan dood weyn oo ku aadan halka ay dalka Soomaaliya uga tagayaan marka la gaaro xilliga loo qoondeeyay inay baxaan oo ay ka dhiman tahay saddex sano oo keliya.

“Waa in la beddelo habka ciidanka Somalia ay u Tababartaan, isla markaana loo diyaariyo inay mas’uuliyadda dalka oo dhan la wareegaan, Inkastoo ay yihiin kuwo tababar wanaagsan leh haddana uma diyaarsana inay si dhaqso ah ula wareegaan mas’uuliyadda culus ee la doonayo in dusha loo saaro, ayuu mar kale yiri Afhayeenka u hadlay AMISOM oo oo kasoo jeeda dalka Kenya. Wuxuuna hadalkiisa ku daray. “Waxay u baahan tahay in si fiican gacanta loogu qabto arrintan, haddii kale waxaan dib ugu laabanayaa halkii hore.”

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa wadda qorshe ay ku qalabeyneyso Cidamadeeda si ay ula wareegaan amniga waddanka, mar la gaaro xilliga la sheegay inay AMISOM uga baxayso dalka.

PUNTLAND POST

The post Taliska AMISOM oo walaac ka muujisay Sida Tababarrada loo siiyo Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this