Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah dadka xukuumadda dhaliila oo Garowe ku xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Xuseen Yaasiin Goda-goda oo kamid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ee dhaliila xukuumadda Puntland ayaa in maalmo ah ku xiran magaalada Garoowe,sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Goda-goda ayaa hadal dhaliil ah ka qoray agaasimaha madaxtooyada Puntland,Cabdinaasir Biixi Soofe,ka hor intaan lagu xirin Garoowe,waxaana wararka qaar sheegayaan in amarka lagu xiray ay bixisay madaxtooyada Puntland,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Ninkaan la xiray ayaa inta badan qoralladiisa ku duri jiray xukuumadda,isagoo marar hore madaxweyne Gaas ku dhaliilay in uusan daacad ka ahayn dagaalka lagu soo celinayo xuduudaha maqan ee Puntland.

Dowladda Puntland weli wax war ah kama soo saarin xarigga loo geystay,Xuseen Yaasiin Goda-gada,balse qaar kamid ah xigtadiisa ayaa madaxda sare ee xakuumadda ugu baaqay in xorriyaddiisa dib loogu celiyo.

Wixii ka soo kordha kala soco:  Puntlandpost

The post Mid kamid ah dadka xukuumadda dhaliila oo Garowe ku xiran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this