Sign in to follow this  
Deeq A.

C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa Saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

abdirahman-irro-somaliland.jpg?resize=82Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee ka dhisan Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ayaa sheegay in saldhigga ay Dowladdda Imaaraadku ka furanayso magaalada Berbera oo dhali karo cawaaqib aa u fool xun.

C/raxmaan Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaas uu u keeni karo Somaliland khatar weyn, isagoo intaas ku daray inuu noqon karo xabsiyada ugu xun caalamka.

Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku dhuftay in taas ay dhibaato badan ku tahay Shacabka ku nool deegaanada Somaliland, maadaama ay horay warbixin ka dhan saldhiggaan u soo saartay kooxda Xuuthiyiinta ee waddanka Yemen ka dagaalanta.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu tilmaamay in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Berbear ay caqabad weyn ku noqoty shaqaalaha ka hawl-gala dekeddaas, isla markaana ay ciriiri gelisay lacagaha xilligaan ku shaqeeyaan.

Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka oo sanadkii hore heshiis ay kula wareegayso Dekeda Berbera la gashay Somaliland ayaa haatan si rasmi ah u la wareegtay  maamulka Dekeddaas.

Ugu dambeyn heshiiskan oo ahaa saddex geesood ayaa horey waxaa u wada gaaray Shirkada DP WORLD, Somaliland iyo Dowladda Itoobiy, waxayna DP WORLD maal-gashiga Dekedda Berbera ku leedahay saami dhan 51%.

PUNTLAND POST

The post C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa Saldhigga Imaaraadka ee Berbera appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this