Sign in to follow this  
Deeq A.

Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo maanta loo fadhiisanayo iyo Reer Baled-weyne oo aan Galeeynin

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo ku beegan 5-May ayaa waxaa Guud ahaan Ardayda Fasalka ugu dambeeysa ee dugsiga sare waxa ay u fadhiisanayaan Imtixaankii ugu dambeeyay.

Ardayda ayaa sidoo kale galaya imtixaanka Dowlada Soomaaliya oo ay qaadeeyso wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ayeey si toos ah uga furmi doonaan maanta qaadista imtixaanada.

Ardayda Magaalada Baled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaanan maanta galeeynin imtixaankaasi.

Gudoomiyaha Waxbarashada Baledweyne Axmed Dhaqane Cali oo la hadlay Warbaahinta Gudaha Baledweyne ayaa sheegay in imtixaanku aysan u fadhiisan doonin Ardayda Baledweyne.

Goobihii waxbarashada Baledweyne ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay fatahaada wabiga oo biyo badan ku soo rogay magaaladaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo maanta loo fadhiisanayo iyo Reer Baled-weyne oo aan Galeeynin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this