Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre oo Soo Xiray Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

 

Xiritaan-5.jpg?resize=720%2C960 Xiritaan-4.jpg?resize=1000%2C667 Xiritaan-3.jpg?resize=1000%2C667 Xiritaan-2.jpg?resize=1000%2C667 Xiritaan-1.jpg?resize=1000%2C667

PUNTLAND POST

The post RW Kheyre oo Soo Xiray Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this