Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaaya weerar ka dhacay Gobolka waqooyi bari ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad la sheegay inay ka tirsan yihiin al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday degaan ka tirsan Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Maleeshiyaadkan ayaa weerarkooda la eegtay Shaqaale Kenyan ah oo ka shaqeynayay Cara Kaawo, kuwaa oo xiliga weerarka saarnaa gaari iska roge ah oo rar caro ah waday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu si gaara uga dhacay degaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku taalla Koonfurta Mandera.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolkaasi ayaa sheegay in la aamisan yahay ugu yaraan laba qof oo rayid ah inay ku dhinteen weerarkan, ilaa saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya kasoo baxaya oo weerarkan wax ka qoray ayaa soo xigtay Madaxa AMnga ee Gobolka Kutswa Ololka oo isagu u sheegay inaysan weli caddayn tirada dadka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi.

Waxay Daily Nation sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa amniga ay ku baxeen goobta weerarku ka dhacay.

Gobolka Mnadera waa kan ugu badan Waqooyi Bari Kenya ee ay ka dhacaan weerarrada Al-Shabab ay ka gaystaan waqooyi Bari Kenya.

Bishii December 2014-kii weerar midkan la mid ah oo Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya lagula eegtay Shaqaale ka shaqeynayay Cara Kaawada ayaa waxaa lagu dilay 36 qof.

Si kastaba ha ahaatee, Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa ku jira heegan ballaaran,tan iyo markii maleeshiyaadka argagaixisada ah ee Alshabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalkaasi Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this