Shiish Posted October 9, 2002 Gabaygan waxaan kasoo xaday nin la yiraahdo Maxamuud Axmed Cabdalle..Anigoo meel ka akhrinaya baan aad uga helay. Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane Waa inaanay dakeynayn middaad guur u dayataaye Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe?BR> Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye! ___________________________ i jiid ama aan ku jiido Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hariir Posted October 9, 2002 Waaw! Shiish, That is a moving Poem sxb. Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye It appears that it would be hard for a man to approach such kind of woman in an easy way due to the defferent situations that we have been facing recently as we are turning into Westernized ppl though. :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 9, 2002 goormaan arki doonaa dumar noocyadaas ah!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haaruun Posted October 9, 2002 Waryaa Nuune..maxaad ka wadaa sidaas, dumarka hadda jooga qaar badan oo noocaas ah waa laga helayaa....inkastoo ay buuxaan kuwo aan u dhaweynina... Sxb ha ii caroon, just want to gain some luv from our sisters here...LOL Kaftan ha iga ahaato Quote Share this post Link to post Share on other sites
Lefty Posted October 9, 2002 That's really good poem sxb.. Is this poem emphasizing "RAALIYA" or what... TRUE..it maybe possible to see someone who can fit all these notable lines but that chance is rare. I would say 1 out of 100. Besides everyone can't be such a perfect. Everyone is good at something at the same time bad at other things and that's human nature. Anyway, I like this line! "Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye" But I think You gotta be so energetic and full of stamina to handle this type of women. ____________________ The Closer, The Warmer and the Better Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 10, 2002 lefty,as u said this all about Raaliya,and xilligan aan kujirno,you can't find Raaliya. haaruun,dhib majiro waxaan dhahay bas dumarka badankood ma wattaan noocyadaas lasheegay,inyar aa jirta oo tilmaamahaas wato,intaasna sidii lagu helo way adagtahay!! Quote Share this post Link to post Share on other sites