Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska iyo bulshada Garowe oo dood ka yeeshay arrimaha amniga iyo tacaddiayda haweenka iyo carruurta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dood-cilmiyeed ku saabsan sidii Booliiska iyo bulshada ku dhaqan Garoowe uga wada-shaqeyn lahaayeen arrimaha amniga,gaar ahaanna ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo carruurta ayaa maanta Garoowe lagu qabtay.

Doodda ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka soctay Booliiska,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose,qaar kamid ah guddiyada xaafadaha Garoowe iyo guddoomiyaashooda,iyo dhalinyaro kala metalaysay bulshada ku nool dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay caasimadda Garoowe.

Booliiska iyo bulshadii kulanka isku arkay ayaa dood dheer ka yeeshay caqabada hortaagan wada-shaqeynta Booliiska iyo shacabka Garoowe ee ku aaddan arrimaha amniga caasimadda,gaar ahaanna ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo carruurta,waxaana sidoo kale laga dooday habka ugu fiican ee si wadajir ah looga wada-shaqeyn karo amniga.

Dhammaan ka qeyb galayaashii dood-cilmiyeedka ayaa geba-gabadii cod midaysan ku sheegay, in la isku raacay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta Booliiska caasimadda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan si looga hortago guud ahaan wixii amniga dhibaateynaya,gaar ahaanna tacaddiyada haweenka iyo carruurta.

Halkaan ka eeg sawirrada

DSCN3953.jpg?resize=1000%2C750 DSCN3989.jpg?resize=1000%2C750 DSCN3990.jpg?resize=1000%2C750 DSCN3977.jpg?resize=1000%2C750 DSCN3993.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4008.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4011.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4040.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4068.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4076.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4081.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4083.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4084.jpg?resize=1000%2C750 DSCN4085.jpg?resize=1000%2C750

PUNTLAND POST

The post Booliska iyo bulshada Garowe oo dood ka yeeshay arrimaha amniga iyo tacaddiayda haweenka iyo carruurta. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this