Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa dilal ayaa Bishii April 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii April 2018 marti galisay dilal kala duwan oo intooda badan loo geystay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dilalka bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadka loo geystay kamid ahaa Saraakiil, Askar iyo Shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Dharkiinley iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHII APRIL EE 2018

1-April 1, 2018, Askari ka tirsan Ciidamada Soomaalida oo ay tababareen Imaaraadka carabta ayaa ruux shacab waday ‘’Gaari Dameer’’ ku toogtay Isgoyska Kuliyada Jaala Siyaad wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

2-April 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Shaneemo Cabdi Waayeel ku dilay Haweeney ka mid aheyd dadka degaanka, waxa ayna kamid aheyd ururka Haweenka degmada.

3-April 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Showriga ku dilay Oday dhaqmeed kamid ahaa dadka deegaanka oo lagu magcaaabi jiray Maxamed Cali Cabdullaahi.

4- April 6, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa si bareera ruux shacab ah oo watay Mooto Bajaaj ku toogtay Isgooyska tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu isku dayay inuu ka reebo Meyd la galbinaayay oo uu la socday, waxaana Marxuumkaas magaciisa lagu soo koobay Axmed Nuur Cusmaan.

5- April 15, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed qeybta Dambi barista, oo lagu magacaabi jiray Xasan Dheere.

6- April 15, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaafada Oodweynee degmada Deyniile ku dilay Macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda Soomaaliya, kaa oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Caddow, waxa uuna ka mid ahaa Macalimiinta dhigta Shareecada.

7-April 16, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku ganacsada Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, kaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo).

8-April 17, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Carbiska ku dilay Askari ka tirsanaa dowlada oo halkaa ka howlgali jiray.

9-April 17, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Militeriga dowlada ayaa waxaa Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ku dileen deegaanka Carbiska ee magaalada Muqdisho xili uu ku qayilaayay maqaaxi halkaa ku tiilay.

10- April 24, 2018, Askari ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowladda ayaa nin darawal ah ku toogtay Isgoyska Ceel-gaab ee degmada Waabari, waxaana goobta ka baxsaday gacan ku dhiiglaha.

11- April 24, 2018, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Heliwaa ku dilay Wiil dhalinyaro oo Bajaajle ahaa, waxaana dilkaasi uu si gaara uga dhacay Xaafada Suuqa xoolaha.

12- April 25, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada ku toogtay kaa oo kamid ahaa dadka ku ganacsada Suuqa.

13- April 25, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-shabaab ayaa Xaafada Burdheere ee Degmada Waaberi ku dilay askari katirsan Ciidanka Nabad Sugida Somaliya, waxaana laga toogtay Marxuumka Madaxa iyo Wadnaha. Askarigan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Muxudiin Buuwoo.

14- April 27, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa degmada Dharkenley, ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxa uuna si gaara uga dhacay dilka agagaarka Jaamacada Gaheyr ee Degmada Dharkenley.

15- April 27, 2018, Dhalinyaro ku hubeysneyd bastoolado ayaa askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag ee Magalada Muqdisho,iyada oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilalka dhacay bishii April ee 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

CaasimadaQ@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this