Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Boko Haram ku garaacday Kooxda ugu dhiig daadiska badan ee Qaaradda Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ee ka howlgasha Soomaaliya, kuna xiran ururweynaha Alqaacida ayaa noqotay kooxda ugu horeysa Afrika ee dadka ugu badan disha.

Sida lagu seegay Warbixin ay soo saartay hay’adda African Centre for Strategic Studies ee laga leeyahay Mareykanka waxaa ay sheegeysaa in Al-shabaab noqotay kooxda ugu dilka badan qaaradda Afrika, tasoo ay kala wareegtay kooxda reer Nayjeeriya ee Boko Haram.

Xarakada Al-shabaab waxaa la sheegayaa in 2016-kii tusaale ahaan ay dileen in ka badan 4,000 oo qof. Sida ay warbixinta sheegeyso, Al-shabaab waxaa kor u qaadeen dilka marka la barbardhigo sanadkii ka horreeyay ee 2015-ka, tiro ahaan 2015 waxaa ay dileen 3,046 halka 2016kii lagu sheegay 4,281.

“Al Shabaab waxaa ay dilka ugu horreeyaan kooxda Boko Haram, iyaga oo noqday kooxda ugu dilka badan Islmaamiyiinta” sidaasi waxaa qortay hey’addan Mareykanka ah. Kooxda Boko Haram hoos ayey u dhaceen dilalkooda, 2015-kii waxaa ay dileen 11,519 halka 2016kii ay dileen 3,499.

Weerarada Xarakada Alshabaab ayaa kordhay 38% markii loo barbar dhigo daraasadan tii ka horeeysay.

Sidoo kale waxayaabaha ey maqaalkan lagu xusay waxaa kamid ahaa weerarada dayaarada iswada ee mareeykanka in ey kordheen tan iyo markii la doortay madaxweeynaha sanad jirsaday ee mareeykanka Donald Trump.

Kororka dadka ey dileen Alshabaab waxaa cirka kusii shareeray weerarkii ka dhacay isgooska Zope oo dowladda soomaliya iyo hayadda warbixintan soo saartaba ey aamisanyihiin in Alshabaab ka danbeeyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this