Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Amisom io shaaciyay xiliga ay ugu dhow dahay inay ka baxaan Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay kusii nagaan doonaan gudaha Somalia, inta ay kasoo kabanayaan ciidamada dowlada Somalia.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay weli u baahan yihiin tayeyn, sidaa aawgeed ka bixitaankooda Somalia uu yahay mid imaankarta tayeynta kadib.

Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo ah Afhayeenka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay weli ku taagan yihiin mowqifkooda, sidaa aawgeed ay bixi doonaan gudashada waajibkooda kadib.

Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorsha AMISOM ay dalka uga baxayaan 2021 ay tahay mid xiligaan ku xiran Amniga dhulka Somalia oo ay ka howlgalayaan.

Waxa uu Jeneraal Richard Nyabuti Omwega intaa ku daray in wareejinta amniga Somalia ay ku xirantahay xaaladda amniga ee dhulka Soomaaliya, AMISOM-na ay baxeyso kaliya marka amaanka Soomaaliya la soo celiyo ciidanka Soomaalidana ay ku filnaadaan amaanka dalkooda.

Waxaa uu sheegay in Waddamada taageera AMISOM sida Midowga Yurub ay dedejinayaan bixitaanka AMISOM laakiin Saraakiisha amniga Soomaaliya weydiinayaan xilliga ay amniga dalkooda la wareegayaan.

Sidoo kale, Jeneraal Richard Nyabuti Omwega waxa uu sheegay in Al-shabaab laga adkaaday balse ay waliyihiin kuwo qatartooda wata islamarkaana adeegsanaya waxyaabaha qarxa,taasna ay tahay caqabadda ugu weyn ee ilaa hadda heysata AMISOM.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in howlgalka AMISOM ay taageeraan Qaramada Midoobey,Midowga Yurub,Midowga Afrika iyo Waddamo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin Khaliijka Carabta oo uusan magacooda sheegin.

Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, ayaa waddamada ku lugta leh Ciidan ahaan howlgalka AMISOM sheegay in ay ka midyihiin; Uganda, Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti,Ghana, Egypt, Nigeria, Zimbabwe iyo Sierra Leon.

Haddalka Jeneraal Richard Nyabuti Omwega, ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia sheegtay inay isku diyaarineyso la wareegida amniga guud ee dalka, xili wali qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ku sugan yihiin al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this