Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas claims UAE eased visa restriction on Somalis thanks to him

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciay in dowladda Imaaraadka Carabta uu dadka  Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka, dal-ku-galka iyo deganaanshaha Imaaraadka Carabta.

Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas uu kasoo laabtay safar uu Imaaraadka todobaad ugu maqnaa. Waxaana war-murtiyeedka ka soo baxay Madaxtoyada Puntland lagu sheegay in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka shacabka Soomaaliyeed iyo  Imaaraadka Carabta, islamarkaana kor u qaadeyso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda Imaaraadka ayaa madaxda maamul goboleedyada kala hadlaayo masiirka iyo arrimaha Somalia xili dowladdii dhexe ay go’aan cad ka qaadatay siyaasadda Imaaraadka, iyadoo dowladduna aysan qaadeyn tallaabadii looga baahnaa.

Dhawaan ayuu maamulka Somaliland sheegtay in Imaaraadku ogolaaday in Paasaboorka Somaliland lagu tagi karo Imaaraadka iyadoo loo saarayo Viso.Puntlandwareegto.jpg?resize=696%2C900

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this