Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo oo carab dhabay cida sii kordhineysa rafaadka ka taagan Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay socdaal uu ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa shalay booqday goobo muhiim ah oo ay saameyeen fatahaada Wabiga iyo roobab la sheegay inay ka da’een magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, ayaa sheegay inay muhiim tahay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in indhihiisa uu ku arkay dad shacaba oo ku nool xaalad adag, sidaa aawgeed la doonaayo in lala gaaro gurmad degdeg ah.

‘’Umadda Soomaaliyeed waxaan farayaa inay dhabarka u xirtaan sida ay ugu gurman lahaayen shacabka ku dhibaateysan dhulka uu ku fatahay Wabiga’’

‘’Waxaa lagu jiraa xiligii ay is garabqaban laheyd Soomaalida waxa ay dowladu qaadan doontaa kaalinteeda, shacabkuna waxaa laga doonayaa inay qaatan kaalintooda’’

‘’Ciidamadu waxaan farayaa inay cayaaran kaalintooda ku aadan samatabixinta shacabkii go’doonka ku ah qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan’’

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qeyb ka yihiin sababaha Fatahaadda wabiga, waxa uuna ku baaqay in si wada jira leysaga difaaco.

Sababaha ay ugu qeybta yihiin waxa uu ku tilmaamay in aanan safar dhulka ah Hiiraan lagu tagi karin maadaama ay ku sugan yihiin deegaanada qaar.

‘’Waa xaqiiq al-shabaab ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa dhibta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaan ugu baaqayaa inay u danqadaan shacabka’’

Farmaajo ayaa yiri ‘’Al-shabab ayaa gurmadka u diidan Beledweyne, shacabku ha ogaadan cida sii kordhineysa rafaadka ka taagan Beledweyne”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay tagay Magaalada Baladweyne isagoo saaran Diyaaradaha Qaramada Midoobe.

Waxa uuna soo indha indheeyay Xeryo KMG ah oo la dajiyay qoysaskii ka barakacay Fatahaadda Wabiga iyo daadadka ka dhashay Roobabkii ugu dambeeyay ee Magaalada ka da’ay.

Magaalada Baladweyne waxa ay sidaa ku noqotay mid go’doon ah, dadka Magaaladana ay wajahaan Xaalado nololeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this