Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadimada ay hormuudka ka yihiin, Al-Shabaab iyo maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo haykal dowladnimo muuqaalkiisa ka soo baxay Qaranka Soomaaliyeed oo aan awood wali u yeelan inay hantaan inta ka dhiman dalka intiisa kale, haddana waxaad moodaysaa oodihii loo dhigi lahaa 50 ama 100 sano ee soo socda ee lala kacaa kufu lahaa in xarigiisa dhisan yahay, oo uu yahay mid aad iyo aad u xoog badan, ula jeedka micnaha guudna uu yahay in Qaran Soomaaliyeed oo jahawareer mooyaane aan qiimo badan yeesha looga helin, loona kala hago hadba qolo iyo cidday jeceshahay, oo hubka iyo dhaqaalaha lagu naafayn gacanteena la galiyo.

Haddaad eegto hab dhaqanka dalal badan oo soomaalida soo dhaweyn ka doonayey, markay waayaan si aan xishood lahayn ayey ugu xera galaan hadba qolada ay hubayeen, tababarkana ay u siiyeen dhowr wiil oo sida Cashooshood u shaqeystayaal laga dhigay oo dhaqaala xumada dalka ka jirta darteed an awoodi karayn inuu qiimo naftiisa u yeesho, una muuqada wiilka soomaaliga ah, mid ku shaqeeya uun maalin Jooga jeebka loogu rido ayadoo lagu adoonsaday QABIIL  laguna Qufulay in Reerkeeni meeshaan lagu haysto, oo markaa maadaama aanu xisaabtan fog jirin lagu xirtay xero, aqoon yahankii ka furi lahaa, loo diiday inuu soo dhex galo.

Garaadka aadamiga waxkasto oo uusan qaadan karin ayaa dalka ka jira, haddana hadalkeenu waa gaaban yahay, ma garan karo sababtaas ay u dhacday, aqontii waa badan tahay, hasse ahaatee ******** abaabulan ayaa meelkastoo dalkeena ka mid ah xero ciidan ku haysta, waxaanse is weydiiyaa Mararka qaar ASHABAAB iyo MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA keebaa Waddani ah, ama daljir dalkiisa Ilaaliya ah, ama u muuqada inuu qaran soomaaliyeed ka dan leeyahay.

Jawaabta aniga aan is tusaaleeyey, labaduba midna xeer umahayo Ummadda, dilka iyo dhibka Ummadduna waa xalaal markuu Maamul Goboleed yahay, iyo markuu shabaab yahay, waxaase ka daran labaduba agendaha ay leeyihiin ama ay ka siman yihiin waa in loo shaqeeyo Aragtiyo ka dhan ah qaranka soomaaliyeed waxaana kuu caddaynayaa qodobadan hoose ku xusan:-

1- Tacabka Ururka Al-Shabaab waxaa iska leh Aragti aad u fog oo asalkoodu ka soo jeedo Sacuudiga oo aan ku fadhin agendaha Diiniga ah, waan Hal Abuurka ku dhisan qalalaasha dunida muslimka ah, sawirka guud ee Muuqaalka Jihaadka  lagu fuliyo dunida muslimka iyo argagax galinta Reer Galbeedka midna Diinta Islaamka Wax Raad ah kuma laha, waase aragti siyaasi ah oo la Huwiyey shaar lagu Qoray CALANKA TOWXIIGA, muuqaalkiisuna ay ku sirmeen Umaddo badan oo ay DIINTA KA DHAB tahay.

dhaqan galinta Dagaalada Aafeeyey caalamka Islaamka oo ay soomaaliya ka mid tahay waa meelaha strategically u yaqaanaan deegaanka xasilinta caalamka oo dhan una muuqada hirgalinta NEW WORLD ORDER-ka,  iyo sida Soomaaliya oo Gateway u ah South East Asia, Middle east iyo Western Europe, iyo Yemen oo fadhida Albaabka Baabul MANDAB joogta, iyo Ciraaq iyo SUURIYA Xarumahaa ILBAXNIMADA dunida, iyo AFGAANISTAN oo an Albaabka laga Maamul lahaa Waddamada laysku Yiraahdo AASIYADA DHEXE iyo CHINA.

Dhamaantood waxaa laga dhex abuuray Collaado aan Diinta Islaamka wax raad ah ku lahayn, lagula halaagmay, waxaase qofku is weydiin karaa, maxaa keenay Colaadaha haddaba? Jawaabta runta ah waxaa haya oo aad ka helaysaa Mid ka mid ah Ururka magac ahaan aan u maqalno ee aan Muuqaal ahaan u jirin ee la yiraahdo ALQAACIDDA, kana soo dagaalamay Afgaanistan waayihii Xoraynta Shuuciyadda, ugu dambayntiina Madax ka ahaa Ururkii ugu dambeeyey ee DAACISH, wuxuuna kuu sheegayaa cidda maamusha Ururada Diiniga ah dhaqaalaha Siisa intuba.

Aan ku soo noqdo soomaaliya dhexdeeda, Alshabaab waa urur dhab ah oo dhisan nidaam iyo haylkan buuxa u dhan yahay, haddana ku dhex nool Ummad Shaafici ah, daashaday collaado aan kala sooc lahayn iyo faragalin ciidan oo dhaqaalaheeda miisaaniyad ahaan loogu qoondeeyey qaska iyo dhibaataynta ummadda.

Dowladda Xassan Sheekh Waxay sameysay Ololaha laga dagaalanka Argagixisa Soomaaliya,halku dhiga wuxuu ahaa HOWL GALKII BADWEYNTA HINDIGA, wuxuu ka soo billowday Galmudug, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo JUBOOYINKA, wuxuuna ahaa dagaal laysu Caddaystay laysuna Itaal Sheegtay, kadibna Guulo Is daba Joog ah oo horu socod ah la gaaray, hubaashiina rajadiisu wanaagsanayd.

laakiin waxay bahashu is badashay markii DEKEDII weynayd laysku soo galay ee ahayd BARAWE lana qabsaday oo howshu ku sii socotay illaa Jubbada hoose. Bal ila daawo Aqristoow sida ay wax u dhaceen Beryahaas, maskaxdaada Fur oo ka feker waxa dhabta ah ee yaala meesha.

Qabashada BARAWE in yar ka dib xamar waxaa ka dagay Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Geeska Africa  wuxuuna Shir la qaatay Taliya Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, warka warbaahinta la siiyeyna wuxuu ahaa, in Dowladda Soomaaliyeed laga Caawin doono La dagaalanka Alshabaab, in yar Ka dibna GODANE ayaa lagu Dilay Jubbooyinka. Taliya Ciidanka Maraykanka Imaatinkiisa iyo Dilka Godane  waxaa u dhaxaysay ugu Badnaan sidaan isleeyahay HAL ASBUUC.

Dhimashada GODANE waxay soo Afjartay gabi ahaan Dagaalkii lagu hayey Shabaab, ciidankii horay u socday dib dambe dhaqaaq uma samayn, waxaa Shabeelada Hoose laga Abuuray dagaal Beeleedyo si loo mashquuliyo Aragtidii guud ee xasilinta Dalka iyo Raja Soo celinta Ummadda, loona Fashiliyo in qaranka dib u dhismo.

Waxaa ku xigay in la laayo saraakiishii dagaalkaas hogaanka u haystay sida General DHAGA BADAN, iyo raggii Jiidaha hora ee dagaalka joogay ee ka dhabta ahayd inay xididada u siibaan Ururka Alshabaab, waxayna ugu dambayntii keentay meeliihii laga qabsaday ururka Shabaab inay dib ugu soo noqdaan. Taasoo illaa iyo manta halkeedii ugu dhinteen Saraakiishii abaabushay, kana god galay ayagoo aan taako horay loo qaadin.

Ila garo aqristoow Middidaani inta af ee ay leedahay, waa marka ugu horaysay Middidaasi siyaasadaysay systematic loogu laayey saraakiishii Ciidan Qaranka in badan oo Muhiim ahayd, waxaa xigay in AFRIKAANKA dalka JOOGA oo dalalkoodu Dhimashada wiilashooda Soomali mustaqbalka ku eedoowday maadaama sawir ahaan ay u dhinteen amaanka soomaaliya, iyo wajiga kale ee ah dhaqaalaha ay ku helayaan wiilasha laga laayey. Waxaana taasi oo dhan Afka u dhintay in wiilasheena oo aad uga adkaysi badan Afrikaanka lagu ihaaneeyo si ugu dambayntiina laftoodu dhaqaala xumada haysa darteed inta ugaarsida Shabaab ka soo hartay rajo xumo ugu noolaadaan. Dhaqaalaha somaaliya lagu cunayaana uu mustaqbalka noqodo mid taariikh buuran loogu qoray UN-ka, nala hor ooli doonyo Ab ka ab.

Shabaab wiilal dhalin yaro ah oo aan cilmi badan lahayn, Basaasiinta carabta soo wax bartay darsiyo qalafsan ugu dhigeen, ama maskax ahaan la dhalan rogay ayey u badan yihiin, mana noqon karaan Albaab kala Xira deegaanada iyo Maamulada dalka ee waxaa jiray arimaha ku xusan qodobkan soo socda:-

2- Jubbaland oo uu maamulo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Ururka ALSHABAAB aamisanaana inuu Godane ahaa Masuulkiisa sare, ayaa Gabaad weyn ka dhigtay Joogitaanka Ururka Alshabaab, waxaana uu iskaashi weyn kula jiraa qolooyinka diidan in la ciribtiro Ururkas maadaama uu Cabsi weyn ka qabo in dowladda dhex si fudud ku iman karto Kismaayo iyo asagoo u arko inuusan Majority ahayd dadka u dhashay deegaanka oo looga badan yahay iyo. Caburintiisana uu garab kaga helo dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Ethiopia, iyo hadda oo ay ku soo biirayaan Imaaraadka iyo Sacuudigaba.

Dhismaha Dayrkan adag Shabaab Muqdishu iyo Jubbaland ee aan haddana dhibka badan lahayn, kenya waxay ku qabtaa dano aad iyo aad u qiima badan oo ay ka mid tahay dhismaha Dayrka lagu kala qaybiyey Ummadda soomaaliyeed Beled Xawo, iyo ku toosinta xuduud Badeedka Berriga Soomaaliya, si jid wanaagsan loogu helo dhaxal wareegga Badda Muranka kenya iyo Soomaaliya. Si taasi ay ugu hirgasho waxay la kaashaday dalal badan oo ciidama AMISOM dhaqaale xoog badan galiyo talada ugu dambaysana iskalahaa, dano guud oo siman oo wadareed ka wada fushanaya.

In Shabaab Laga adkaan waayo waa agendaha loo abuuray ee laguna weynayo qorshe qaran, waana tan ugu dambayntii na dhaxalsiisay in Oodaha xadaysan iyo Maamuuska Madaxweynayaal Maamul goboleedyo haysta calamo lagu cimaadamay loona ekeysiiyey dal ku jiro heshiiska nooca CONFEDERALKA la yiraahdo, kaasoo ka dhigan midowga dowlado isu tagay sida kuwii modowgii Soofiyeedka oo kale u dhisan.

Laysma weydiiyo inta badan dhaqaalaha iyo miisaaniyadda halkay u soo maraan iyo cidda bixisa intuba, su’aashaasina inta badan maaha mid taala meelaha ay ka dagaalamayaa qolooyinka diinta ku shaqeysta oo dhan, waayo gundhigga ayaa ah inaan la fahmin cidda ku lug leh, iyo raad raaca asalka Naaxiya ururada sidan u dhisan oo dhan. Inta badana waxaa lagu eedeeyaa inay ka soo galaan dhaqaalaha ama loo soo mariyo waddamada dariska ah, oo aan anigu isleeyahay dhanka maaliyadda oo loo soo mariyo dhanka Kenya iyo Logistic-ga oo dhanka Ethiopia, maddaama Qulqulka Hubka inta badan Ethiopia uga yimaado Soomaalida, waxay u badan tahay in Hubka Shabaab laga soo Gudbiyo Ethiopia, Lacagtuna Marko dhankaasi kale.

Su’aasha kale ee aan lays weydiin waxaa ka mid ah saamaynta Somaliland iyo Puntland ku leeyihiin Ururka Alshabaab iyo sida sirdoontkoodu uga dhex shaqeeyo shabaab dhexdiisa ama ay ula tacaamulaan Ururka. si taasi noogu kala Caddaato waxaad daawataa Videogan uu kaga hadlayo wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Puntland ee ka horeeyey GAAS, oo loo diray si uuShabaab JAAJUUS uga dhex nool u noqon lahaa.

Maamuladaasi waxay u badan tahay inay xiriir Iskaashi la leeyihiin dalal aan jeclayn inay Ummadda degto oo hogaanka siyaasadeedna u haya Ururka Shabaab, taasoo laga yaabo inaysan war badan ka hayn, ama laga yaabo inayba kula jiraan arintan si ay Agendahooda gaarka ah uga gaaraan, sida Soomaaliland oo Siyaasad ahaan doonaysa in Koofurto Mushkilo ku sii jirto illaa ay ka gaaraan hadafkooda siyaasiga ah ee gooni isu taaga ah, ama ugu dambayn u helaan aqoonsi, ayagoo cudur daar uga dhigaya inaysan Koofuri soo socon, kana danaystaan, doonayana inay dunida u bandhigaan in qoladani kuwa ismaamuli karo ahayn, sidaasi dowlado badan ku dhagaystaan.

Dhankastoo ay u dhacdaba waa wax dhici kara, hase ahaatee waxaanan wax la beenin karo ahayn in Puntland iyo Soomaaliland Iskaashi Ciidan iyo mid siyaasadeedba ay la leeyihiin Itoobiya, Israel, Ingiriiska iyo Maraykanka intuba, waxaana Hubaal ah dhamaantood in ciidamo Mercenaries aan soomaali ahayn  ka joogaa, dana strategical ahna kala dhaxeeyaan Madaxda maamulada danahooda difaacanaya. Maadaama ay taasi dhici karto, waxaa haddana aan meesha laga saarayn in Sirdoonada maamul goboleedyadaasi ay Maal Galiyaan, Taba baraan hayado sirdoon oo ka dhan ah ummadda Soomaaliyeed.

Waxayna u badan tahay in Iskaashigaasi uu noqon karo mid meel dhexe oo wanaagsan ka ciyaaro dhismaha iyo waaritaanka dhaqaale iyo ciidan ee Shabaab, ayna halkaasi ka dhisan tahay dallad isku xiran oo qaar ka mid ahba Soomaali yihiin. dhamaan dhismaha noocaasi iyo Muuqaalka maanta maamul Goboleedyada sida Puntland iyo soomaliland, Jubaland ee maanta  wuxuu si toos ah iskaashi buuxda ula wadaaga hirgalinta danaha  Cadowga umadda, iyo soo dhaweynta fulinta Himaladooda, waxaana taasi kuu Caddayn kara Hadalkii GAAS ee ahaa MUQDISHO, SOMALIA maaha, SOMALIYANA MUQDISHO maaha, taasoo micnaheedu yahay, in dowladda Soomaaliyeed aysan waxba ka qaadi karayn GAAS, iyo arinta kale ee ah Axmed Madoobe inuu JAALIYAD FOWDADA Kenya uga Qayb galay, dhamaan waxay qofkastaba niyaddiisa ku abuuraysaa sababta Ciidan FEDERAL ah dowladda ugu dhiiran weyday ama iyo yaraan Agedanaha wali ugu muuqan waayeen, Bal aqri muhiimhada ay leedahay in Ciidamo Federal ah la geeyo dhamaan Maamulada:

3- Dhismaha Ciidan FEDERAL ah oo deegaano ku yeesha Maamul Goboleedyada waxay qayb muhiim ah ka ciyaari doontaa amaanka qaran, iyo xakamaynta fowdada maamulada ka shaqeeya dalka iyo u sal dhigista qaranta oo midow guud iyo hal Maamul ka wada taliyo, ayadoon loo gacan dhaafayn qaab dhismeedka maamulada laga sameeyey. waxay siinaysaa in ciidanka qaranka Soomaaliyeed ka adkaado cidkastoo qalaalase amni ku samayn karta, noockastoo ay tahay. In la soo celiyo kala dambaynta waxay qasab ku tahay noockastoo qarankeenu ku gaari karo himilada, bal dowladdu ha isku daydo inay arintaasi dhaqan galiso, waxaad dareemaysaa in dagaal xoog badan ka iman doono halkaas. waxaase hubaal ah haddaan ciidamo dhisan oo Federalku leeyahay laga helin meelkastoo maamul ka jiro inay qaranka ciidankii dumin lahaa dhaqaalahooda iyo tababarkoodu yaal Meelaha aan soo Sheegnay. Lama xalin karo qilaafka u dhaxeeya maamulada iyo dowladda dhexe haddaan la helin awood dhexe oo xakamaysa maamuladan qaranka Daba Guraya oo Cadowgii U hanjabayey oo taagan u kala dhuumanaya.

Dhuumashada loo kala dhuuftay Imaaraadku waxay ka dhigan tahay iskaashiga duminta qaranka Ummadda, waana Cabsida ay qabaan maamulada in gurigooda biya uga soo gali doono maalin maalmaha ka mid ah.

QARAN kastaba dadbaa u soo baxa, ka illaaliya Qamuunyada iyo hadimooyinkiisa, kuwana Benu aadamka ayey dhexdiisa ku kala iibsadaan, iskaba daa dal iyo deegaan, waxayna la kaashadaan cidkastoo ku caawin karta in Hilbaha eheladooda ugu dhoofiyaan dibadda hadday lacag ku helayaan, Taasi waxaan ula jeedaa 14-10-2017 waxaa xamar ku nafweysay 500 ka badan oo qof, Hanti fara badan iyo dhaawac Kumanaan kor u dhaafay, Dunida oo dhan laga gariitay, waxayna ahayd xasuuqii ugu dartaa ee dhacay 2017 dunida oo dhan. Ayadoo ay taasi jirto oo haddana cidkastaba og tahay in Dalka Gudahiisa wax lagu farsameeyey uusan ahayn, ayaa haddana In badanoo naga mid ah la shaqeynayaa cidkastoo Caawinaysa Dhibka NOOCAASI AH.

ILAAHAY DALKA NABAD HA NOOGA DHIGO, CADOWGA iyo MIDKA KALKAALAYBA XUMAANTOODA AYAGA HA KU CELIYO, dhamaan Ummadda Muslimka ahna NABAD Allaha SIIYO.

Illaahay baa ku mahadsan i waafajiyey inaan Qofmadan Sameeyo.

W/Q: Ibrahim Abdi Geele
jinniishumi@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this