Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shacabkeeda ku amartay in aysan Xajka u raacin diyaarad aan dowladdu u fasixin.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Soonka iyo Xajka.

Mudane.Saalax Xabiib ayaa sheegay, in Wasaaraddiisu ay diyaar garow fiican ka samaysay, sidii shacab weynaha reer Puntland looga ilaalin lahaa, khilaaf ku salaysan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Wasiirka ayaa tilmaamay in ay dadaal ballaaran ugu jiraan in umadda reer Puntland ay si midaysan hal mar u soomaan,islamarkaana hal mar wada afuraan.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac ayaa sidoo kale sheegay, in dadaalkii Wasaaraddiisu gelisay arrimaha Soonka uu mira-dhal noqday,kadib markii inta badan guul laga gaaray khilaafaadka yimaada bilowga iyo dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan oo awal la kala soomi jiray.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa xukuumadihii Federaalka soo maray ku eedeeyay  in ay musuq maasuq baahsan ka sameeyeen arrimaha Xajka, oo uu sheegay in ay laaluush ka qaadan jireen shirkadaha duullimaadyada ee lacagaha badan ku soo rogay Xujeyda Soomaaliyeed,isagoo Xukuumadda haatan ka jirta Muqdisho ugu baaqay in ay dhibatadaas wax ka qabato,maadaama ay horay u ballan qaadday la-dagaallanka musuq maasuqa dalka ragaadiyay.

Waxaan leenahay,toban kun oo Soomaaliyeed ayaa xajka aadda oo ducaynaysa,dee maanta ducadaa qaata baan leenahay. Dowladdaan ha noqoto mid lagu baraaro. Umadda Soomaaliyeed waxay sugayaan in qiima u qalma loo keeno,adeeg u qalma loo keeno,loo dhimriyo loo dadaalo,si ka turjumaysa wakiillo u shaqeeya umadda Soomaaliyeed”,ayuu yiri Wasir saalax Xabiib.

Wasiirka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ay iska soo diiwaan-geliyaan, Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,isagoo caddeeyay in Puntland aysan ka hawl-geli doonin shirkad aan ka diiwaan-geshaneyn wasaaradda.

Isagoo shirkiisa jaraa’id sii wata ayuu sidoo kale dadweynaha reer Puntland amar ku siiyay in aysan xajka u raaci Karin, shirkad aanay u fasixin Wasaaradda Caddaaladda dowladda Puntland”umadda reer Puntland waxaan leeyahay Wasaaraddu ciddii ay idiin soo fasaxdo inaad raacdaan baad raacaysaan”,ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib Jaamac.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise

The post Puntland oo shacabkeeda ku amartay in aysan Xajka u raacin diyaarad aan dowladdu u fasixin. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this