Sign in to follow this  
Deeq A.

UNSOM oo si adag u cambaareysay qaraxii shalay ee Gaalkacyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan  Ciidamada amniga Dowladda iyo dad rayid ah.

“Weerarkan wuxuu u dhacay sababtoo ah xagjirayaashu waxay dareemayaan inuu khatar ku hayo horumarka laga gaarayo dadaalka dib-u-heshiisiinta ka socda magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri madaxa UNSOM, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

“Dalku wuxuu soo maray rabshado dhiigbadni ku daatey oo ku filan; hadda waa waqtigii dibuheshiisiinta dadka iyo mas’uuliyiinta maamullada magaalada Gaalkacyo waxay si geesinimo leh u raadinayaan waddo horey loogu socdo; waa inaan lagu wiiqin weerarkan lagu soo qaaday fursadd ay u leeyihiin mustaqbal nabdoon”,ayuu raaciyay Keating.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta , qof isa soo miidaamiyay ayaa walxaha qarxa ee uu waday ku qarxiyay goob magaalada ku taalla oo loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, subaxnimadii Sabtida, isagoo dilay ugu yaraan laba ka mid ah taliyeyaasha sare ee ciidamada ammaanka iyo weliba dad rayid ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

PUNTLAND POST

The post UNSOM oo si adag u cambaareysay qaraxii shalay ee Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this