Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Ismaaciil Geelle iyo RW Abiy Axmed oo si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la magacaabay booqasho ku tagay dalka Jabuuti.

Booqashada Abey Axmed ee dalka Jabuuti ayaa timid kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geele.

Ra’isul wasaare Abey Axmed ayaa waxa uu magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal, Ganacsiga, Siyaasada iyo xaalada Somalia.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, ayaa waxaa lagu lafaguray dhammaan qodobada aan kor kusoo xusnay, waxa ayna laba mas’uul isla fahmeen in leyska garabsiiyo iskaashiga, Ganacsiga iyo kobaca Siyaasada.

Madaxweyne Ismaaciil Geelle, ayaa Abey Axmed u sheegay in Jabuuti ay laba jibaari doonto xiriirka kala dhexeeya Ethiopia, si taa lamid ahna la doonaayo in Ethiopia ay is garabtaagto Jabuuti.

Waxa ay isla fahmeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd Ra’iisul Waasaaraha Cusub Abiy Axmed.

Ganacsiga ayey isku fahmeen in kor loo qaado isla markaana leyska caawiyo sida lagu sara qaadi lahaa Ganacsiga labada dal.

Sidoo kale, waxa ay isla fahmeen isla markaana kawada hadleen in la garab istaago dowlada Somalia, si loosoo afmeero dhaqdhaqaaqyada argagixiso ee al-Shabaab.

Waxa ay isla garteen in si wada jira dowlada Somalia looga caawiyo la dagaalanka al-Shabaab iyo in la taageero dowlada oo ku guda jirta kobac dhan waliba leh.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abey Axmed ayaa noqoneysa mid sara qaadi doonta xiriirka labada dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this