Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenyatta oo fariin Hanjabaada u diray Alshabaabka ka dagaalanta Xadka Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday inay la dagaalami doonaan Al-Shabaabka ku dhuumaleysanaaya Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya.

Kenyatta ayaa sheegay inay ku jiraan u tabaabusheysiga sida ay weeraro ugu qaadi lahaayen Keymaha Kenya iyo dhammaan Saldhigyada ay Al-Shabaabka uga sugan yihiin Xadka labada dal.

Waxa uu Kenyatta tilmaamay in heer gabagabo ay marayaan diyaarinta ciidamada ka qeybqaadan lahaa dagaalka lala galaayo Al-Shabaab, waxa uuna cadeeyay in dagaalkaani uu ka duwanaan doono kuwii hore.

‘’Cidna ugama cabsan doono inaan baabi’ino Al-Shabaabka ku jira Keymaha iyo Saldhigyada ku yaalla Xadka Somalia iyo Kenya’’

‘’Waxaa noo diyaarsan ciidamo si khaasa u tababaran oo la doonaayo inay soo afjaraan dagaalka ay Kenya kula jirto Al-Shabaab’’

Waxa uu Kenyaatta sheegay in adduunka ay la socodsiin doonaan in dagaalka ay la galayaan Al-Shabaab uu noqon doono mid furan oo ay ka qeybqaadan karaan dhammaan dalalka kale ee Africa dhaca.

Sidoo kale, Kenyaatta ayaa Dowlada Somalia ugu baaqay inay ka feejignaato dhagarta ay maleegayaan Kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta Xadka iyo gudaha labada dal.

Haddalka Kenyaatta ayaa kusoo beegmaaya xili Talisyada amaanka Kenya ay ka digeen weeraro kaga imaada dhanka Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this