Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi iley oo arrin cajiiba xilka uga qaaday mas’uul ka tirsan maamulkiisa kadib markii uu …

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka DDSI Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Iley), ayaa xilka ka xayuubiyay tirro mas’uuliyiin ah oo ka tirsanaa maamulka Soomaalida.

Mas’uuliyiinta xilka laga xayuubiyay ayaa lagu eedeeyay inay ka qeybqaaten banaanbaxayaal looga soo horjeeday maamulka kuwaa oo saameyn kala duwan yeeshay.

Deegaanada ugu badan ee dibadbaxyada ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shiniile kaa oo banaanbixii ka dhacay uu qaatay maalmo.

Qoraal ku saabsan arrinta xil ka qaadista oo uu baahiyay Wargeyska Addis Standard ee laga leeyahay dalka Ethiopia ayaa qoray in Hoggaamiye Cabdi Iley uu xilka ka qaaday Hoggaamiye ku-xigeenkii Cabdikariin Cigale, isagoo ku bedelay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Aadan Cabdi oo ka soo jeeda Deegaanka Shiniile ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Hogaamiye ku-xigeenka cusub ayaa aheyd Wasiirka Caafimaadka ee ismaamulkaasi, waxa ayna si dhow ula shaqeyn jirtay Hoggaamiye Cabdi Iley.

Hoggaamiye Cabdi Iley ayaa sidoo kale xilalka ka qaaday xubno kale oo la sheegay inay hormuud u noqdeen banaanbaxyada ka dhacaaya deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Soomaalida.

Sidoo kale, Hoggaamiye Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inuu wado dedaal uu ku joojinayo dibad baxyada looga soo horjeedo maamulkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa banaanbaxyada ka socda deegaano dhowr ah oo ka tirsan ismaamulka ku baxay mas’uuliyiin dhowr ah oo xal u noqon doona banaanbaxyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this