Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Women And Family Minister Represents Somalia At Africa's Woman Conference

Recommended Posts

Cowke   

Kulanka Haweenka nabada ka shaqeeya ee Afrika oo ay Caasho Geele Diiriye Somalia u matashay (Sawiro)

June 14, 2010

 

Magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa waxaa ka dhacay munaasabad lagu maamuusayey haweenka Nabada ka shaqeeya ee Qaarada Afrika ayaa waxaa sanadkan lagu casumay Caasho Geele Diiriye oo ah Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland.

 

Kulankan oo habeenimadii Jimcihii ka dhacay magaalada The Hague, ayaa waxaa loogu talo galay dhiiri gelinta haweenka inay ka qeyb qaataan arrimaha nabadeynta ee Qaarada Afrika, ayadoo sanadkan lagu soo qaatay dadaaladii ay horey deegaanada Puntland uga sameysay Caasho Geele Diiriye oo hada ah Wasiirka Haweenka ee Dowlada Puntland.

 

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hay’ada haweenka Ajaanibta ee ku dhaqan dalka Holland, waxaána sidoo kale kasoo qeyb galay wafuud ka kala timid dalalka Congo, Burundi, Rwanda, Indonesia, Holland, Phillipins, Eritereya, Ethiopia iyo Somalia.

 

Dalka Soomaaliya oo laga casumay Wasiirada Caasho Geele ayaa waxay kulankan uga qeyb qaadatay khadka internetka si toos ah ayadoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay waxqabadka haweenka Puntland ee ku aadan dhanka nabadeynta. Waxaana khudbada ay soo diyaarisay Wasiirada Caasho Geele halkaasi ka akhrisay Sahra Axmed oo kamid ah haweenka aqoonyahanka ee Soomaalida Holland.

 

Faduma Yassin oo kamid ah madaxda ururka MWPN ee haweenka ajaanibta ah ee dalkaasi Holland ee nabada ka shaqeeya, ayaa sheegtay in kulankan loogu talo galay sidii haweenka Afrika dadaalka ay u sameeyaan dhanka nabada loo muujin lahaa, isla markaana dhiiri gelin ugu noqon lahayd kuwa kale inay wada shaqeeyaan oo u shaqeeyaan sidii dalalkooda nabad looga dhalin lahaa.

 

Qodobada shirkan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa: Kaalinta ay haweenka Afrika nabada ku leeyihiin, Kaalinta ay Qurbo joogta haweenka Afrika ku leeyihiin nabdeynta Afrika iyo qodobo kale.

 

Abdiraxim Siciid

The Hague, Holland

 

DSC_1106.jpg

 

DSC_1071.jpg

 

DSCN3805.jpg

 

MVC-148S.jpg

 

Asha-Gelle-Minister-of-ministery-of-Wome

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this