Cowke Posted June 20, 2010 Kulanka Haweenka nabada ka shaqeeya ee Afrika oo ay Caasho Geele Diiriye Somalia u matashay (Sawiro) June 14, 2010 Magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa waxaa ka dhacay munaasabad lagu maamuusayey haweenka Nabada ka shaqeeya ee Qaarada Afrika ayaa waxaa sanadkan lagu casumay Caasho Geele Diiriye oo ah Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland. Kulankan oo habeenimadii Jimcihii ka dhacay magaalada The Hague, ayaa waxaa loogu talo galay dhiiri gelinta haweenka inay ka qeyb qaataan arrimaha nabadeynta ee Qaarada Afrika, ayadoo sanadkan lagu soo qaatay dadaaladii ay horey deegaanada Puntland uga sameysay Caasho Geele Diiriye oo hada ah Wasiirka Haweenka ee Dowlada Puntland. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hay’ada haweenka Ajaanibta ee ku dhaqan dalka Holland, waxaána sidoo kale kasoo qeyb galay wafuud ka kala timid dalalka Congo, Burundi, Rwanda, Indonesia, Holland, Phillipins, Eritereya, Ethiopia iyo Somalia. Dalka Soomaaliya oo laga casumay Wasiirada Caasho Geele ayaa waxay kulankan uga qeyb qaadatay khadka internetka si toos ah ayadoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay waxqabadka haweenka Puntland ee ku aadan dhanka nabadeynta. Waxaana khudbada ay soo diyaarisay Wasiirada Caasho Geele halkaasi ka akhrisay Sahra Axmed oo kamid ah haweenka aqoonyahanka ee Soomaalida Holland. Faduma Yassin oo kamid ah madaxda ururka MWPN ee haweenka ajaanibta ah ee dalkaasi Holland ee nabada ka shaqeeya, ayaa sheegtay in kulankan loogu talo galay sidii haweenka Afrika dadaalka ay u sameeyaan dhanka nabada loo muujin lahaa, isla markaana dhiiri gelin ugu noqon lahayd kuwa kale inay wada shaqeeyaan oo u shaqeeyaan sidii dalalkooda nabad looga dhalin lahaa. Qodobada shirkan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa: Kaalinta ay haweenka Afrika nabada ku leeyihiin, Kaalinta ay Qurbo joogta haweenka Afrika ku leeyihiin nabdeynta Afrika iyo qodobo kale. Abdiraxim Siciid The Hague, Holland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Beer-Gaal Posted June 21, 2010 I have to admit idon't like her level of Feminism! But she is Bold,Beautiful and charismatic woman. Quote Share this post Link to post Share on other sites