Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Soomaaliya oo guddi ka kooban 22 xubnood u saartay xaalada fatahaada ee Beladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Kadib shir deg deg ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana uu shir guddoominayay Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo looga hadlaya saameynta ka dhalatay fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeele ee mara magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan.

kulankaan waxaa kasoo qaybgalay hay’adaha gargaarka safiiro iyo xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo ka wadahadlay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka B/weyn oo ka barakacay Fatahaadda webiga Shabelle.

Dhanka kale waxaa jiray kulamo uu la qaatay ra’iisulwasaaraha culumo udiinka Soomaaliyeed waxayna ka wadahadleen sidii caawimaad loo gaarsiin lahaa B/weyn.

Ugu dambeyn shirkaas ayaa lagu magacaabay guddi loo xil saaray wax u qabashada kumanaanka ruux ee ka barakacay magaalada Beladweyene.

Guddiga loo xilsaaray arrinta B/weyn ayaa waxaa uu ka koobanyahay 22 xubnood waxaana hoggaamin doona ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Gudigaan lamagaacaabay ayaa waxaa laga filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan  mashaqada ka taagan duleedka magaalada Beladweyne ee ay ku sugan yihiin kumanaan barakacayaal ah ku waas oo aanan haysan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha bini aadamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this